Caafimaadka

Barta Ugu Kulul Jirka Aadanaha oo La Helay

image

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Paris  ayaa helay xubinta ugu heerkulka badan jirka aadanaha uu kulkeedu gaarayo 500C, waa mitochondria oo ah halka ay tamarta ka heleen dhammaan unugyada nool ee jirka aadanaha.

Illaa iyo wakhti dhow waxaa loo haystay in kuleyl heerkaa le’eg  aaney suurtogal ahayn in jirka aadanaha gudihiisa laga helo. Dhammaan naasooleyda waxay isku heerkul ka yihiin beerka, maskaxda iyo xubnaha kala duwan ee gudaha jirka, marka laga reebo iniinta xiniyaha ragga oo iyadana heerkulkeedu aanuu dhaafsiisnayn 340C.

Cilmibaarayaashan ayaa qiyaasay heerkulka xubnaha kala duwan ee jirka, iyadoo daraasaddan ay suurtogal ka dhigay milanka Fluorescence oo shucaaca uu bixinayaa ay kala duwan tahay heelkul kasta, noocan cusub ee halbeegga heerkulka ayaa lagu ogaaday in mitokondria heerkulkiisu gaarayo 500C.

Saynisyahandan ayaa aaminsan in daraasaddan si heersare ah isaha loogu hayo, maadaama ay suurtogal ka dhigi karto iney wadada u furto fahamka habka aadanaha uu kansarku ku qaado iyo in la ogaado waxa ay ku tiirsan yahay gabowga degdegga ah ee aadanaha qaar ku yimaadda.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s