Soomaalida Wararka

Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed Oo Tuhun San Siyaasiyiin Iyo Wariyayaal

image

Dalkeenu waxa uu ahaa mudo nus qarni ah,dawlad la aan,sharci iyo kala danbayn la aan,sidaa daraadeed hay adihii burburay ee dawliga ahaa waxaa kamid ahayd hay ada dal uugu muhiim san amaankiisa oo ahayd hay adii nabad sugida soomaaliyeed. dalkeena waxa uu noqday baylah,waxaana ka faa iidaystay cadaw shisheeye ah iyo shisheeye kalkaal soomaali ah oo hunguri iyo iimaan la aani qaaday,tanoo uu dhaafsanayo dalkii iyo diintii iyo soomaalinimadii intaba.

Shisheeyaha iyo shisheeye kalkaalku waxay ka faa iidaysteen dalkeena markii la waayay hay adii nabad sugida. Dalwalba waxa ilaaliyaa oo laga baqaa maha booliis iyo ciidan milatari ee waa nabad sugida oo la socota dhaqdhaqaaq kasta oo ka jira dalka gudihiisa iyo dibadaba,fuliyana hawlgalo ah in ay cadawga ku dilaan dal iyo dibad oo ugaarsadaan iyagoo difaacaya dalka iyo diinta iyo dadka soomaaliyeed.

Ciidamadii nabad sugida soomaaliyeed illaahay mahadii maanta waa soo noqdeen.waxaa cadaatay in rag dadka soomaalidu u yaqaan siyaasiyiin ay dalkeena kawadeen hawlo basaasnimo oo ay wakiil u yihiin hay ado sirdoon oo dalal cadaw ku ah dalkeena.Ninkii waa soomaali,waana masuul siyaasi ah oo ah xildhibaan,ama wasiir ama shaqaale dawladeed oo sargaal ah,hadana dalkeena ayuu dhabar jabinayaa oo u loogayaa cadawga oo kawarbixinayaa,isagoo hor istaag ku haya in dalkeena dawlad ka hana qaado shaqaysa.

Ciidamada dhaartay ee sugaya amaanka dalkeena ee nabadsugidu,waxay ku raad joogaan siyaasiyiin faraha kula jira qaran dumis.Sirdoonka soomaaliya oo ahaa kuwa uugu khibrad badan uugu feejigan uugu khatarsan afrika oo dhan ayaa soo ceshaday shaqadoodii,iyagoo helay tababar iyo qalab casri ah.

Dalkeena si looga dhigo dal aan lahayn sir oo waxbaba u qarsoonayn,ayaa dadkii soomaaliyeed laga dhaadhiciyay saxaafada xorta ah!! oo macnaheedu yahay in dalkeena iyo dawladnimadeena fashilantahay oo aynaan yeelanba wax sir ah oo qarankeenu leeyahay. Aduunyada majirto dawlad iyo dal ay majaraha u hayaan waxa loogu yeero saxaafada xorta ah.

Saxaafada dal walbaa leeyahay,waxay leedahay xeer ay soo marto oo dalkaa u adagsan,waxay leedahay hay ado iyo wasaarado ay hoostagaan saxaafadu,kuwaas oo koontaroola wixii war ah ee ubaahan in lasii daayo iyo midkaan loo baahnayn oo aan dalka dantiisa ahayn ama khatar galin kara amaanka. Aduunyada markaad eegto wadamada horumaray sida maraykanka iyo reer galbeedka kama dhacdo saxaafad war tabinaysa oo aan dawladu ogayn,aan diiwan gashanayn,ciday u adeegayso aan la ogayn oo inta dalka iska dhex qaado qorta tabisa sheegta waxay doonto iyadoo ah saxaafada xorta ah.

Waxaan ognahay in saxaafadu u shaqayso cid kolkaa saaxafada soomaaliya dhex boodaysa ee layiri waa saaxaafad xor ah,suaasha ayaa ah xorba aha ahaatee yay u qabataa adeegaas oo ku lacag siiya? kol haday cadahay in dawlada soomaaliyeed iyo dalkeena aysan ka helin wax mushahar ah iyo maalgalin,cid dirsatayna oo ogina aanay jirin.mise waxaa jira nin ismaal galiyay,oo qalab iibsaday,oo maanta oo dhan war tabinaaya oo xiliyada qaarkii naftiisuba halis galayso oo waxaas oo dhan bilaash ku qabanaya makanaa jira?

Hadaba waxaa guul ah in ciidamada sirdoonka soomaaliyeed ku raad joogaan dhawaana lasoo afjari doono basaasiinta u adeegaya dawladaha shisheeye ee sheegta waxa loogu yeero SAXAAFADA XORTA AH! Qaarbadan ayaa markii lawaydiiyay yaad u adeegtaa oo aad shaqadan u qabataa? isku dayay in ay dalka ka baxsadaan taasoo aan dhicin.

Dalka dibadiisa dawladuhu waxaa ka dhexeeya wada shaqayn xaga amaanka ah,dadbadan oo dalkeena dibadaha ka duminaya qaab saxaafadeed waa lagu maqan yahay.maxaa yeelay waxaa la ogaaday in ay jiraan webbab iyo baraha bulshada in ay warka argagixisada buunbuuniyaan oo helaan taasoo iswaydiin leh siday ku helaan warka shabaab iyo argagixisada? waxaa la tuhun san yahay si wayn in ay yihiin qudhoodu shabaab dagaalka kaga jira dhanka saxaafada.

Waxaa danbi wayn ah cidkastoo faafisa wararka argagixisada,cidkastoo taageerta,waana arin halis ah.Dadka siyaasiyiinta sheeganaya ee dalkeena oo aan wali lahayn dawlad sidii larabay u hanatay dalkeena oo dhan,u tafaxaytay in ay burburiyaan waa cadaw soomaaliyeed oo shisheeye u adeegaya kana xun in aynu noqono dawlad iyo dal jira.dadka noocaas ah lama oran karaayo siyaasiyiin ah mucaarad ee waa cadaw qaran dumis ah oo u adeegaya shisheeye.

Hadaynu nahay dawlad xukunta oo gacan bir ah ku haysa guud ahaan dalkeena bad iyo bari iyo cirba oo amaankeenu sugan yahay,haa waa jiri karaa siyaasi mucaarad ah waana jiri karaa siyaasi mu ayid ah,laakiin maanta oo la doonaayo in dalkeenii lagu soo dabaalo hanaankii dawladnimo,oo dadkeenu kabaxaan colaadaha,nidaam la aanta ay keentay dawlad la aantu, Ninka dhexda inoo istaagay ee isbaaro u dhigtay dawladnimadii isagoo ku gabanaaya mucaarad baan ahay,kani waa cadaw cad oo xukunkiisa dil u yar yahay.

Nabad sugidu waa ugu hanbalyaynaynaa shaqada ay qabatay,ee waajibka ah.waana hanbalyaynaynaa,in siyaasiyiintaa shisheeye kalkaalka ah iyo saxaafada u adeegaysa danaha guracan ee shisheeye soo afjarida iyo kuraad joogida dabagalka iyo qabashadooda waa guul soomaaliyeed. in dadkaa lalaayo cadawga ah oo nabad sugidu ka takhalusto waa waajib lama huraan ah. dalkeenu ku heli mayno waligeen dawladnimada hadaynaan cadawga sugin oo edbin,hadaynaan dhiig u hurin dawladnimadeena maha mid baryo iyo walaalayaaloow ku imaanaysa.maxaayeelay cadawgaagu waa kuu bareeray in uu ku baabi iyo ku gumeeyo kuu diido dawladnimo aad xaq u leedahay.

Waagii hore nabad sugidu waa yara habacsanaayeen hadase iyaga iyo cadawgii umada soomaaliyeed waa is arkeen waana laysa sugayaa.maqaalkan waa mahad celin ciidankeena nabad sugida oo galaya meel kastoo cadawgu joogo.wax la aqbali karo maha shisheeye ayaan u shaqayn soomaaliyana waan burburinayaa waxaas mayeeli karayno dalka anagaa leh difaacanayna.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s