Soomaalida Wararka

Saraakiisha xoogga dalka oo sheegay inay dileen Ajnabi ka tirsanaa Al-Shabaab

image

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyeen hawlgal shalay ciidanka xoogga ay kula wareegeen buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ururka 58-aad ee Guutada 11-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Cali ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka xoogga hawlgalkaasi ay ku dileen ilaa 7 dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab, islamarkaasina ay ku furteen hubkii ay wateeen Shabaabka.

Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Cali ayaa sheegay in Dagaalkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka mid ah Ajaanibta Al-shabaab, haystayna dhalashada wadanka Tanzania, isagoona ka mid ahaa saraakiisha ugu sareeya Al-shabaab ee u qaabilsan dhanka Jubboyinka.

Ciidanka xoogga ayaa intii ay ku guda jireen hawlgalka ay Shabaab kala wareegeen buundada Araare waxaa u suuragashay in ay nolosha ku qabtaan laba dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab, sida saraakiil ammaanka qaabilsan ay  sheegeen.

Buundada Araare ayaa 7-KM u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose, ciidamada Xoogga dalka ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen degmada Jamaame oo xarun u ah Al-shabaab.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s