Soomaalida Wararka

Jabuuti Oo Looga Dabaaldegayo Maalinta Xorriyada

image

Dalka Jabuuti guud ahaan ayaa maanta waxaa looga dabaaldegayaa sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaasi uu ka xooroobay gumeystihii Faransiiska.

Xalay ayaa magaalada Jabuuti waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran, waxaana loogu dabaaldegayey 27-ka June, maalinta xorriyadda Jabuuti.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mas’uuliyiin dalkaasi ah iyo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sheekh oo Labo cisho ka hor halkaasi gaaray.

Madaxweyne Geelle oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guud ahaan shacabka Jabuuti ugu hambalyeeyay munaasabadan, wuxuuna kula dardaarmay ilaalinta maalintaan soo jireenka ah.

Dhanka kale, maanta waxaa guud ahaan dalkaasi laga dareemayaa u dabaaldegista shacabka ee maalintaan, iyadoo calanka Jabuuti lagu xardhay guud ahaan dallkaasi, waxaana socda munaasabado waaweyn.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s