Soomaalida Wararka

Shacabka Iyo Dowladda Jabuuti Oo Maanta U Dabaal Degey Maalinta Xuriyadda Ee Dalkaasi

image

Munaasabad loogu dabaal degayo 41-sano guuradii ka soo wareegatay markii shacabka dalka Jabuuti ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Faransiiska ayaa ka socota gudaha dalkaasi Jabuuti.

Magaalooyinka waa weyn sida caasimada Jabuuti iyo gobolada kale waxaa ka socda dabaal dag xoogan,iyadoona calanka dalkaasi Jabuuti lagu xardhay wadooyinka magaalada caasimada ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer ka talinayay dalkaasi Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka jeediyo munaasabada dabaal daga xornimada Jabuuti isla markaana shacabka dalkiisa uu kala hadlo arimo la xiriira xornimada dalka iyo qorshaha dowladiisa.

Jabuuti ayaa kamid ah shucuubta Afrika ee halganka dheer u soo galay sidii ay u noqon lahaayeen dad iyo dal xor ah waxaana sanadku markuu ahaa 1977 ay xornimadooda ay ka heleen gumeysitihii xiligaas ee Faransiiska kaas oo mudo badan maamulayay dalkaasi.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s