Wararka

Heerkii Groupyada Koobka Aduunka Oo La Soo Gaba gabeeyay, Xulalka 16ka Ah Ee Koobka Aduunka Ku Tartami Doona Oo Dhamaystirmay

image

Waxaa caawa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay heerkii groupyada koobka aduunka ee Russia ka socday tan iyo June 14, 2018 waxaana hadda diiraada lagu hayaa wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka. 16 xul qaran ayaa laga reebay koobka aduunka waxaana qaabkii ugu murugada badnaa uga hadhay xulka qaranka Germany oo koobkan difaacanayay iyo waliba Senegal oo lagu reebay sharciga anshax wanaaga Fair Palay.

Haddaba waxaa suurtogal ah in marar badan ayna akhristayaasha si buuxda ugu kala cadayn xulalka ilaa hadda soo gudbay kuwa hadhay iyo xogta kulamada wareega 16ka xul si la mid ah waqtiga la ciyaari doono, sidaa daraadeed, waxaanu halkan idiinku soo koobnay xogta kulamada hadhay, kuwa soo baxay iyo waliba kulamada soo socda ee lagu kala bixi doono.

Haddaba halkan kaga bogo xogta qaabkii  loogu soo kala baxay Groupyada koobka aduunka iyo Xulka Qaramada Soo Baxay iyo waliba ku Kuwii la reebay oo dhamaystiran:

Group A Oo Lagu Kala Baxay:

Kulamadii wareega saddexaad ee Group A ayaa la soo gabagabeeyay taas oo la micno ah in xulalka qaramada Uruguay iyo Russia ay soo baxeen iyada oo waliba Uruguay uu noqday xulkii ugu horeeyay ee guulo boqolkiiba boql ah ku soo gudbay laakiin Masar iyo Saudi Araba ayaa cawda loo jaray.

Waxaa Soo Baxay: Uruguay & Russia

Waxaa Hadhay: Saudi Arabia & Egypt

Group B Oo Lagu Kala Baxay:

Kulamadii wareega saddexaad ee Group B oo ahaa kuwo xamaasad badan waxaa ku soo gudbay Spain iyo Portugal iyada oo labada kulanba ay barbaro ku dhamaadeen laakiin Spain oo caawin ka heshay Iran ayaa kaalinta kowaad ku soo bxday halka Morocco iyo Iran ay hadheen.

Waxaa Soo Baxay:  Spain & Portugal

Waxaa Hadhay:  Morocco & Iran

Group C  Oo Maanta Lagu Kala Baxay.

Xulka qaranka France ayaa barbaro la galay Denmark waxayna taasi ka caawisay in Denmark ay u soo gudubtay wareega xiga halka France ay kaalinta kowaad kaga soo baxeen Group C laakiin Australia iyo Peru ayaa gabi ahaanba tartankan laga reebay.

Waxaa Soo Baxay: France & Denmark

Waxaa Hadhay: Australia & Peru

Group D Oo Caawa Si Buuxda Loogu Kala Baxay.

Xulka qaranka Argentina ayaa si layaableh uga soo gudbay musiibadii ay ku soo jireen kadib markii ay daqiiqadii 86 aad ka guulaysteen Nigeria oo talaabo u jirtay in ay u soo baxdo wareega 16ka xul laakiin iyada oo hore Croatia u soo baxsanayd waxay xaqiijisatay booska kaalinta kowaad waxaana kaalinta labaad ku soo baxay Argentina iyada oo Iceland iyo Nigeria ay hadheen.

Waxaa Soo Baxay: Croatia & Argentina

Waxaa Hadhay: Nigiera & Iceland

Group E Oo Si Buuxda Loogu Kala Calaf Qaaday.

Xulka qaranka Brazil ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxay Group E kadib markii ay guul 2-0 ah ka gaadheen Serbia oo tartankan ka hadhay laakiin Switzeraland oo laba jeer goolal kaga hormartay Costa Rica ayaa barbaro 2-2 ah lagu qabtay balse waxay kaalinta labaad kaga soo baxeen Group E.

Waxaa Soo Baxay: Brazil & Switzeraland.

Waxaa Hadhay: Serbia & Costa Rica.

Group F Oo Si layaableh Loogu Kala Baxay:

Layaabkii koobka aduunka ayaa ka soo baxay Group F kadib markii  si lama filaan ah koobka aduunka looga cidhibtiray  xulkii qarankan difaacanayay ee Germany iyaga oo guuldaro 2-0 ah kala kulmay South Korea halka Sweden ay 3-0 ku garaacday Mexico taas oo keentay in Sweden ay kaalinta kowaad kaga soo booday Goup F isla markaana ay Mexico kaalinta labaad ku soo baxday.

Waxaa Soo Baxay: Sweden & Mexico

Waxaa Hadhay: Germany & South Korea

Group G Oo Xili Horeba Lagu Kala Tagay.

Group G waxa uu ahaa kan ugu sahlanaa marka loo eego qaabka loogu kala baxay iyada oo Belgium iyo England ay min laba guulood oo xidhiidh ah gaadheen taas oo wareega xidiga u soo saartay laakiin kulankooda waxay ku tartami doonaan kaalinta kowaad.

Waxaa Soo Baxay: England & Belgium

Waxaa Hadhay:  Panama & Tunisia

Kulamada Hadhsan: England v Belgium, Panama v Tunisia

Group H Oo Noqday Groupkii Ugu Horeeyay Ee Sharciga Fiar Play Lagu Kala Baxay.

Group H waxa uu noqday midkii ugu horeeyay ee sharciga Fair Play lagu kala baxay kadib markii xulalka qaramada Senegal iyo Japan ay wax walba iskaga mid noqdeen sida dhibcaha ay heleen, goolasha laga dhaliyay, goolasha ay dhaliyeen iyo wax kasta waxaana markaas Japan lagu soo saaray in ciyaartoydeedu qaateen dhaadhah ka yar inta ciyaartoyda Senegal la siiyay.

Xulka qaranka Colombia oo u muuqday in uu heerka groupyada koobka aduunka ku hadhayo ayaa si layaableh kaalinta kowaad ugu soo baxay waxaana hadhay Senegal oo si murugo leh lagu reebay iyo waliba Poland oo guul ay Japan ka sii gaadhay sahay ka dhigaatay.

Waxaa Soo Baxay:  Colombia & Japan

Waxaa Hadhay:  Senegal & Poland

Isku Aadka Wareega 16ka Xul Qaran Ee Koobka Aduunka:

Isku aadka wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunku waa mid sii qorshaysan oo ku xidhan xulalka kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad kaga soo baxay Groupyadooda waxayna FIFA si rasmi ah u shaacisay qaabka ay wareega 16ka xul u wada ciyaari doonaan afartii wadan ee ka soo baxay Group A iyo Group B oo la soo xidhay.

Uruguay iyo Portugal oo kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad kaga soo dhamaystay Group A iyo Group B sida ay u kala horeeyaan ayaa wada ciyaari doona June 30,2018 marka ay saacada Geeska Afrika 9:00 heebimo tahay

Dhinaca kale Spain iyo Russia oo kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad kaga soo kala baxay Group A iyo Group B sida ay u kala horeeyaan ayaa wada ciyaari doona wareega 16ka iyada oo kulankan la ciyaari doono  July 1,2018 marka ay saacada Geeska Afrika tahay 5:00 Galabimo.

Isku aadka iyo xaqiijinta waqtiga kulamada kale ayay FIFA samayn doontaa marka si buuxda loo soo xidho Groupyada kale waxaana ugu soo horayn doona Group C iyo Group D oo maanta iyo caawa la soo xidhi doono.

Qaabka Loo Wada Ciyaari Doono Iyo Waqtiga La Ciyaari Doono Xulalka Ka Soo Baxay Group A, B,C iyo D:

1-France vs Argentina– Sabtida- 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

2-Uruguay vs Portugal– Sabtida- 9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika

3-Spain Vs Russia– Axada- 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

4-Croatia vs Denmark– Axada- 9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika

5- Brazil vs Mexico– Isniinta- 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

4- Belgium Vs Japan- Isniinta- 9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika

5- Sweden v Switzerland- Talaadada- 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

6-Colombia Vs England: Talaadada- 9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika

Laga bilaabo sabtida ilaa talaadada waxaa jiri doona maalintiiba laba kulan iyada oo kulamada hore la ciyaari doono 5:00 galabimo ee saacada Geeska Afrika halka kulamada kale la ciyaari doono 9:00 habeenimo ee saacada Geeska Afrika.

Liiska Xulalka Wareega 16ka Koobka Aduunka U Soo Baxay: Uruguay , Russia, Spain ,Portugal, France , Denmark, Croatia , Argentina, Brazil , Switzerland, Sweden, Mexico, England , Belgium  Colombia & Japan.

Liiska Xulalka Heerka Groupyada Ku Hadhay: Germany , South Korea, Saudi Arabia , Egypt,  Senegal , Poland, Panama , Tunisia, Serbia , Costa Rica, Nigiera , Iceland, Morocco , Iran, Australia iyo Peru.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s