Caafimaadka

6 Waxyaabood Oo Ilaaliya Caafimaadka Indhaha

image

Inta badan waxaan iska iloownaa inta ay la egtahay muhiimada caafimaadka indhaha uu leeyahay waa intaas ay ku dhacaan wax yaabaha laga hadla.

Sidaa darteed waxaan idin soo gudbineynaa talooyin fudud isla markaana dhaxal gal u ah ilaalinta caafimaadka indhaha.

1-Cunida qudaarta:

Waa in aad cuntaa qudaarta caleenta cagaarka ah sida spinach-ka maxaa yeelay waxay idhihu ka ilaaliyaan qaasatan buqcada “buqca” waxaa lagula jeedaa shey ku yaala qeybta danbe ee isha kaa soo fududeya in si fiican oo wanaagsan aan wax u aragno, khudaarta kale ee wanaagsan caafimaadka indhaha waxaa ka mid ah, barbarooniga, kaarootada iyo looska

Hadii ay buqcadu u shaqeyn waydo si wanaagsan, waxaa yaraada aragtida qofka.

2-Isticmaalka fitimiinka:

In la isticmaalo fitimiinka waa muhim si guud ahaanba, iyadoo ay ku jirto Caafimaadka indhaha, fitamiinyadaasi ayaa waxay ka kooban yihiin: A, C, E iyo B2

3-Inaad in badan isticmaasho saliida malaayga:

Wuxuu kaa saacidayaa in aad si wanaagsan wax u aragto iyo caafimaadka Indhahaaga (Cunida malayga waxuu kaloo ka mid yahay raashinka u wanaagsan Caafimaadka wadnaha si gaar ah  sidoo kale indhaha iyo in uu si feeyo dhiiga iyadoo sifeynta dhiiguna ay u fiicantahay caafimaadka indhaha).

4- Shaah cabida:

Waxaa hubaal ah in cabida shaahiga ay kaalmeeneyso biyaha ka yimaada indhaha kaa soo indhaha ugu jira caafimaad.

5-Inaad xirato ookiyaalaha loogu tala galay qoraxda:    

Waxuu muhiim u yahay ilaalinta indhaha asagoo ka ilaalinaya ilayska qoraxda iyo qashinka WIM,

6-inaad siiso indhahaaga waqti raaxo ah:

Hadii aad tahay mid ku shaqeeya aalada computer-ka xasuusnaaw qaacidada ah 20/20/20 kaa soo ah in aad  qaadato 20-kii daqiiqaba nasasho ah 20 sakin.

Hadii aad u qaadato talooyinkaan sida saxda ah oo aad had iyo jeerna si toos ah u booqato dhakhtarka indhaha, waxay kaa saacideysaa indhahaaga in ay helaan Caafimaad wanaagsan sanoyinka soo socda hada ka dib.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s