Caalamka Wararka

Turkiga Oo Cambaareysa Weerarkii Muqdisho

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaardda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyey weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay deggan yihiin wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaasi, islamarkaana ay ku abuurtay murug, iyaga oo ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey weerarkaasi.

“Waxay ahayd arrin nagu abuurtay murugo weerarkii ka dhacay Muqdisho, waxaana ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku dhintey, kuwa dhaawaca ahna caafimaad ayaan Alle uga baryeenaa” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney sii wadi doonaan garab istaaggga shacabka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

“Waxaa sii wadi doonna inaan garab istaagno shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ah, la dagaalanka argagaxisada si xasilooni loo helo” ayaa lagu yiri qoraalkan.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay deggan yihiin wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s