Caalamka Wararka

Hoggaamiyaasha Ka Qeyb Galaya Caleemo Saarka Madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa in barqanimadda maanta loo caleemo-saaro Xilkaasi, iyadoo ay Hoggaamiyayaal Dowladeed ka qeyb geli doonaan Caleema-saarkiisa.

Madaxda ka qeyb galaysa Munaasabadda maanta lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Turkiga waxaa ka mid ah Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka Venezuela, Nikolas Maduura, Amiirka dalka Qata, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani iyo Ra’isul-wasaraaha dalka Raashiya, Dimitry Medvedev iyo 22 Madaxweyne Dawlada kale.

Munaasbadda Caleema-saarka waxaa lagu qaban doonaa Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Madaxweynaha Turkiga waxa uu bishii hore ku guuleystay Doorashaddii ka dhacday dalkaasi, waxaana loo kordhiyey Awoodihiisa Hoggaamineed.

Nidaamka cusub ee Dowladnimo ee dalka Turkiga ayaana Isbedel lagu sameeyey, iyadoo Madaxweyne Erdogan noqonayo Madaxweyne Fulineed, waxaana meesha laga saaray Xilka Ra’isul-wasarenimadda.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu magacaabi karaa, isla markaana shaqada ka eryi karo Madaxweyn-ku-xigeenayaasha, Wasiiradda, Saraakiisha Sare iyo Garsoorayaasha waa weyn, iyadoo aysan Mudanayaasha Barlamaanka ansixinin.

Dib-u-doorashadda Madaxweyne Erdogan waxay Taariikh Cusub u furaysaa dadka Turkiga oo iyagu si aqlabiyad leh mar kale Madaxweyne Erdogan u doortay, isla markaana oggolaadeen Isbedelka Dastuurka.

Madaxweyne Erdogan waxa la filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo Xukuumad Cusub oo aysan xubno ka noqon doonin Mudanayaasha ka tirsan Xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarinta ee (The Justice and Development Party (AK Party) AK Party ee haya talada dalka Turkiga.

Si kastaba ha haataee, Madaxweyne Erdogan waxaa maanta u bilaabanayso Xilli-hawleedkiisa shanta sanno ee soo socota, taasi oo la filayo inuu ku sii labanlaabo Hoggaamintiisa Suuban ee ay dadka Reer Turkish iyo Dunida Islaamka la dhacsan yihiin.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s