Qormooyin

Maanso yahanimadu maa loo dhashaa, mise waa la barran karaa? 

Qof waliba marka u dhasho waxa uu ku dhasho tilmaamaha abuurkiisa guud ahaan ku dhafan, waa tilmaamo qofka la kora oo ku talaalan ayna u badan tahay inta uu noolyahay in ay la socdaan dhismaha jidhkiisa qaarkood ku saabsan yihiin, qaar kalena awooda garaadkiisa iyo maankiisa ayay la xidhiidhaan.

Macnaheedu waxa uu yahay qofba si buu Eebe u abuura oogo ahaan, waa lagu kala duwan yahay oo laba si walba iskugu eegi ma jiraan, malahayga lama uumin qaar xaga dhimirka iyo waxgarashada si buuxda uga siman, waa runoo dadka qaar ayaa loo buriyaa looguna deeqaa in door ah oo kamid ah tilmaamaha wan-wanaasan ee bulshadu jeceshahay qaarna isla tilmaamahaas inta lagu yareeyo ayaan falkooda wanaag laga filan taladoodana aan la tixgalin, inkaleba iska daayo, laba walaalo ah oo isku hooyo iyo aabo ah ayaa si walba u kala duwananaan kara.

Mid baa dheer midna waa gaaban yahay, mid baa dheereeya oo dhasha goroyada cago ugu been sheega, midna diin gaboobay wuu ka gaabiyaa, mid baa aftahan ah oo marka uu afka kala qaado lala ashqaraaraa, midna waxa uu noqdaa af-garooc aan wixii ku soo dhaca gudbin karin, haddii uu isku dayana waxa uu sheegay aan la garan karin. Mid baa dabeecad qabaw oo dulqaad miidhana, midna cadho iyo dhiidhi ayaa ka soo horeeya, qofkii ay laba erey is dhaafsadaanba waa lagu kala hagoogtaa, midbaa geesi ah oo aan boqol dhabbo uga leexan midna waxa uu noqdaa giiriyaale aan shimbiraha hubin haddii ay shamamax leeyaan. Midbaa deeqsi ah oo haddii uu wax kale waayo awrka gur-gur martidiisa u looga midna waa mudul quduuc ah oo aan xuunshada uga kicin, xaga waxbarashada midbaa warka macalinka iyo casharkiisa durbadiiba la socodsiiya oo si wacan u weeleeya midna xisaab sare iska daaye, laba laba ku dar ayaa lagu kari waaya

Sidaas oo kale awoodda maanso curintu waxa ay ka mid tahay awoodaha uu aadamaha qaarkiis ku dhasho qaar kalena aan wax laga siin, waa tilmaam dadka qaar lagu galado, qaarna laga qadiyo micnahaeedu wuxuu yahay gabaayinamadu waa hibo abuurka qofka ku Milan, waa awood uurka hooyo lagala soo baxo, waa tilmaam ruuxa loogu deeqaa uu iska dareemo goor hore iyo isaga oo aan wali qaan gaadhin. Inbadan ayaynu maqalnaa gabayaa caan ah oo ka sheekaynaya tixihiisii ugu horeeyey markii uu isku duway inaanu tobanka dhamaysan, Allaha ha u naxariisto e gabayaagii weynaa ee Aden Carab la odhan jiray wuxuu sheegay inuu sagaal jir ahaa markii uu mariyey tix uu ugu jawaabeyey nin isaga aabihii gabay ku maagayey, sido kale Allaha ha u naxariistee Cabdilaahi Macalin Axmed oo Dhoodaan lagu naanaysi jiray mar uu waraysi siinayey macalinka way nee Cabdilaahi Faarax Cali (Idaajaa) wuxuu ku sheegay waraysigaas inaanay wax qumani u dhaxaynin markii uu hadal bartay iyo markii uu gabay bilaabay, taasina waxay markhaati dheeraad ah u tahay ra’yiga ah maansayahanku inuu ifka u soo baxo isagoo awooda curinta maansada ay ku talaalan tahay.

Sidaas oo ay tahay, hadana waa la joogaba dadku kama daalaan inay is waydiiyaan su’aasha ah gabayga ma la baran karaa oo sida kasmooyinka kale uu aadamahu u kala korodhsado ma loo kala korodhsan karaa?

Jawaabta su’aashaasi waa Haa, isla markaasna waa Maya. Haayo, guud ahaan jacayl aad ah haddii aad u hayso, markii tix cusub lagu mariyo haddii aad wada qaban karto ama inteeda badan aad ku celin karto, kolka aad sheekanayso haddii aad is aragto adigoo tix maanso ku maahmaahaya, haddii aad waxbadan ka xifdisantahay maansadii raggii hore isla markaana kuwa kula xilliga ah wax-soo-saarkooda aad wax-roon ka ogtahay, haddii aad iska dareento inaad leedahay awooda kala soocida tixda hagaagsan, midda meel dhexaadka ah iyo midda liidata, haddii meerisyada deelqaafka leh iyo midda miisaan ahaan jaban ay dhagtaadu dareemi karto, intaas oo awoodood haddii aad isku aragto waxa aad u dhawdahay inaad tirin karto maanso aan deelqaaf lahayn, maanso aan meerisyadeedu kala dheereyan, maanso habdhaca maansooyinka kale leeyihiin iyadana laga dareemi karo.

Inkasta oo ay arintu sidaa tahay, oo dadka qaarkii ay dedaal iyo barasho awgii wuxuun maanso salsalaaba, kol kolka qaarkood tirin karayaan, haddana marnaba lama simi karayo maansadaa hibadu soo saartay. Maanso yahanka hibada u lihi tiisu waa isku xidhan tahay oo ujeedada aya xambaarsan tahay si buuxda ayuu u soo ban dhigi kara hayeeshee mida barashada lala kaashadaa way kala daloosha oo inkasta oo la dheereeyo hadana qaybaheeda ujeedadii loo maleegay ma koobaan. Maansayahanka ay hibadu ku ladhan tahay, meerisyo tiro yar oo markiiba la qaybi karo ayuu ujeedadiisa u xambaariyaa, waxaana tixihiisa lagala soo dhex bixi karaa tuducyo lagu halqabsado oo murti miidhan ah, hayeeshee qofka barasho awgii wax ku curiyaa tix gaaban kuma dan bogan karo, wixiisuna isheeqsi dambe ma yeeshaan.

Maansada barashada lagu dhaliyaa waa lagu dhibtoodaayoo inuu ebyo maalmo badan ayay ninkeeda ku qaadataa, halka ninka ku dhashay ay dabnaha ka saarsaaran tahay o markii la waydiiyaa iyo goobtii lagu haybiyaba uu Xasan Ganey sidiisi dadka kaga haqab tiri karo. Sidaa daraadeed, inkasta oo farsamo ahaan aad waxbadan ka ogaato, barashada sida maansada layskugu duwo iyo xeerarkeeda hadana addiga iyo maanso yahanka hibada loo siiyey cirka iyo dhulku intay isku jiraan ayaad isku jirtaan marka lays barbar dhigo midkiin waliba tixaha uu curiyey.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s