Caalamka Wararka

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa racfaan ka qaatay xukunka 10-ka sano ee xabsiga ah ee lagu riday.

Gabadhiisa, islamarkaana ah beddelkiisa siyaasadda Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay ee Mohammed Safdar ayaa iyaguna racfaan ka qaatay xukunada lagu riday.

Racfaanka ayaa waxaa maanta laga diiwaan geliyey maxkamadda sare ee magaalada Islamabad.

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa jimcihii xiray Sharif iyo Maryam kadib markii diyaarad kasoo qaaday dalka Britain ay soo cago dhigatay magaalada bari ee Lahore.

Xariga ayaa ka dambeeyey xukun dhowaan ay ku ridday maxkamadda ka hor-tagga musuq-maasuqa.

Sharif iyo gabadhiisa Maryam ayaa iyaga oo maqan waxaa lagu kala xukumay 10 iyo 10 sano oo xabsi. Sharciyaqaanada ayaa sheegay in haddii aanay isa soo dhiibin aysan xaq u lahaan lahayn inay racfaan qaataaan.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s