Caalamka Wararka

Turkiga:- xaaladdii Degdegga Ahayd Oo laga Qaaday

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney qaadday xaaladdii degdegga ahayd ee uu waddanku ku jiray, oo labo sano ka hor dalka la saaray kaddib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay.

Inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah kumannaan qof ayaa xabsiga la dhigay ama shaqooyinkooda ku waayey.

Hase yeeshee dowladda ayaa go’aansatay halka ay ku kordhin lahayn saddex bilood oo kale in gabi ahaanba xaaladda degdegga ah dalka laga qaado.

Go’aankan ayaa imanaya iyada oo ay dhowr toddobaad uun ka soo wareegtay guushii doorashada ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Xilliga ay socotay ololaha doorashada waxyaabaha ugu horreeya ee ay xisbiyada mucaaradka marar badan sheegayeen ayaa wuxuu ahaa haddii ay doorashada ku guuleystaan iney xaaladda degdegga ah dalka ka qaadayaan.

Dad ka badan 107,000 oo hay’adaha dowladda u shaqeeynayey ayaa shaqooyinkooda laga eryey inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah, sidoo kale 50,000 oo qof dad ka badan ayaa xabsiyada la dhigay maxkamadna sugaya, sida ay caddeeynayaan warbixinnada ka soo baxaya hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Dadka shaqada laga fadhiisiyey ayaa intooda badan lala xidhiidhiyey wadaadka musaafiriska dalka uga maqan ee Fethullah Gulen, oo ku nool dalka Mareykanka horayna ay isku xulafa u ahaayeen madaxweyne Mr Erdogan.

Turkiga wuxuu Mr Gulleen iyo taageerayaashiisa uu ku eedeeyey iney ka dambeeyeen afgambigi dhicisoobay, balse wadaadku eeddaasi waa uu diiday.

Afgambigi dhicisoobay ee 2016-ka dhacay waxaa diyaarad lagu duqeeyey baarlamaanka waxaana lagu dilay in ka badan 250 qof.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s