Caalamka Wararka

Dab ka kacay Dhulka Kaymaha Ee Dalka Giriigga.

Boliska dalka Giriigga ayaa sheegay inay ugu yaraan 20 qof geeriyootay, in ka badan 100 kalena ku dhawaacmaan Kaymaha ku gubanaya Bariga dalkaasi, iyadoo ay Dhibanayaashaasi waxyeelladdu qabsatay xilli ay ka baxsanayeeen Ololka Kaymahaasi.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Tuulladda Mati oo 29 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Athenis, waana Tuullo ay u dalxiis tagaan Dalxiisayaasha Gudaha, dadka da’da ah iyo carruurta.

Afhayeenka Dowladda Giriigga, Dimitris Tzanakopoulos oo saakayto ka hadlay Telefishinka Qaranka waxa uu sheegay inay dhimashadu gaartay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen 88 dad waa weyn ah iyo 16 carruur ah.

AwKutub News

Advertisements