Soomaalida Wararka

Xaalada Magaalada Diri-dhabe Oo Kacsan

Waxaa wali kacsan xaaladda magaalada Diri-dhabe kaddib rabshadihii saakay ka qarxay halkaasi.

Wararka naga soo gaaraya Diri-dhabe ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan cakiran tahay, kaddib markii dhowr guri oo ay deganaayeen dad Soomaali ah dab la qabadsiiyay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dad ku sugnaa guryahooda dab la qabadsiiyay halkaasina ay ku geeriyoodeen.

Gawaarida dab damiska iyo kooxaha gurmadka degdega oo gaaray xaafadaha dabka la qabadsiiyay ayaa ku howlan daminta dabkaasi.

Illaa iyo haatan waxaa la sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabshadaha ka soconaya Diri-dhabe.

Dadka deegaanka ayaa ka qaba cabsi sida ay xaaladdu noqoneyso saacadaha soo socdo, waxa ayna farta wadnaha ku hayaan sida ay ku dambayn doonto xaaladdu.

AwKutub News

Advertisements