Soomaalida Wararka

Xaaladda Magaalada Diri dhaba oo saaka xasiloon

Magaalda Diridhaba ayaa saaka degen, waxaana caadi ku soo noqday isu socodkii gaadiidka dadwaynaha.

Booliis ayaa aad loo dhoobay waddooyinka magaalada, waxaana jira kuwo kale oo baabuur wata oo gaaf wareegaya magaalada.

Rabshado ayaa Dirdhabo ka dhacay Axaddii, kuwaas oo la sheegay in ay dabo socdeen kuwii ka horeeyay ee Sabtii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Dad Soomaali ah oo daganaa Xaafadaha ay Oromadu ku badan tahay ayaa sheegay in ay guryahooda ka carareen ka dib markii la gubay guryo ay Soomaali lahayd.

Dad ku sugnaa guryahooda ayaa Shalay dab la qabadsiiyay halkaasina ay ku geeriyoodeen.

Illaa iyo haatan lama hayo war sugan oo sheegaya inta ku dhimatay rabshadahaa shalay ka dhacay magaalada Diri-dhabe.

Laakiin waxaa la sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen guryihii la gubay shalay, taasoo ay kamid ahaayeen Qoys dhan oo soomaalida ree Jabuuti ah.

AwKutub News

Advertisements