Soomaalida Wararka

Ma Runbaa in Qalbi-Dhagax loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta DDS?

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada ay isticmaasho lagu hadal haayey Warar sheegaya in Col, Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax loo Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Hayeeshee Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhada ONLF oo Sanad ka hor dowladda Soomaaliya ku wareejisay dowladda Itoobiya balse la siidaayey mudo uu xabsi ku jiray ayaa sheegay in aan waxba ka jirin, isla markaana shaqsiga la Magacaabey ay Magaca kaliya Wadaagaan.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar Cagjar ayaa maalintii Shalay u magacaabay Cabdikariim sheekh Muuse oo ahaan jiray sargaal ka tirsanaa Liyuu Booliska, Madaxa Ciidammada Asluubta.

Si kastaba Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa Magacaabey taliyeyaasha Ciidamada Liyuu Booliska, Boooliska, Asluubta iyo Mas’uuliyiin kale.

AwKutub News

Advertisements