Soomaalida Wararka

Dowladda Soomaaliya oo la wareegeysa Shir Guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in soomaaliya ay dhawaan la wareegeyso Shir guddoonka Golaha Wasiirada Carabta, kulankiisa 151aad, kadib dadaal badan oo laga sameeyey dhinaca Siyaasada Arrimaha Dibada.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151aad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho”.

Hadii uu hirgalo qorshaha Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso Shir guddoonka Golaha Wasiirada Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa waxaa suurtagal noqon doonta in shirkaas uu sanadka soo socda ee 2019 lagu qabto Magalada Muqdisho.

AwKutub News

Advertisements