Geeska Africa Wararka

Hoggaamiyaha Ginbot 7 oo dib ugu soo laabtay Itoobiya

Hoggaamiyiha ururka Ginbot 7, Berhanu Negu ayaa dib ugu laabtay dalka Itoobiya kaddib markii uu dalkaasi ka maqnaa in ka badan 10 sanno.

Hoggaamiyaha ururka Ginbot 7 Berhanu Nega ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa, tageerayaashiisa ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada iyagoo sita calanka Itoobiya.

Waxaa la filaya inuu tageerayaashiisa kula hadlo fagaaraha ugu wayn ee halkaasi ku yaalla.

Berhanu Negu wuxuu kamid noqonaya hoggaamiyeyaasha ugu sarreysa mucaaradka ee ka faa’idaystay isbaddallada ka socda Itoobiya oo uu garwadeen ka yahay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

Ururada Ginbot 7, ONLF iyo OLF ayay dowladda Itoobiya dhawaan ka saartay liiska kooxaha ay u aqoonsanayd argagaxisda.

AwKutub News

Advertisements