Soomaalida Wararka

​Munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 4aad ee Baarlaamanka Soomaaliya oo maanta dhacay

Munaasabada Furitaanka kal-fadhiga Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa goordhow axa ay ka bilaabtaya dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,waxaan ka qeyb galaya mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Munaasada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul Wasaare Kheyre,Xildhibaano,Wasiiro iyo sidoo kale Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa Munaasabada oo weli socota Khudbad ka jeediyey Guddoomiyeyaasha Baarlaamanada Galmudug iyo Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale,kuwaas oo inta badan soo hadal qaaday Warmurtiyedkii ka soo abxay shirkii Magalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Geba gebada munaasabada uu sirasmi ah u furo kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

AwKutub News

Advertisements