Geeska Africa Wararka

Sawirro: Itoobiya iyo Eritrea oo isku furay xadka dhulka ee labada waddan oo muddo ka badan 20 sanno xirnaa

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha waddanka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Talaado ah goobjoog ka noqday dib u furista xuduudaha ay wadaagaan labadan dal kuwaasoo xirnaa muddo ka badan 20 sanno.

Munaasabadda ayaa lagu beegay sannadka cusub ee waddanka Itoobiya. Waa qeyb ka mid ah xiriirka soo hagaagaya ee laba waddan oo mar ahaa kuwa cadow isku ah geeska Afrika.

Bishii July ayaa labada waddan waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo nabadeed kuwaasoo billow u noqday in uu dib u soo noqdo xiriirkii labada waddan.

Laga billaabo 1998-dii illaa 2000 ayaa dagaal uu dhexmaray labada waddan waxaana ku dhintay kumanaan kun qof oo halka boqolalaal kalena ay ku barakaceen.

In kastoo heshiis ay gaareen labada waddan sannadkii 2000 balse heshiiskii Algiers waxaa diiday dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan wareejin doonin dhulkii lagu muransanaa go’aankaas oo ay samayeen guddi xuduudeed oo ay aasaaseen heshiiska.

Qoysaskii ku kala hirdhoobay labada waddan ayaa hadda waxaa u suurtagali doona in ay dib isku booqdaan maadama lab

Eritrea ayaa horrey uga go’day Itoobiya sannadkii 1991 laakiin qoysaska ka kala soo jeeda labada dhinac ayaa ku kala nool laba waddan iyada oo ay ku raaxaysteen xiriir wanaagsan illaa 1998 balse dagaalkii Badma ayaa qarxay.

Yoonis Fesseha oo dagan Itoobiya ayaa sheegay in hooyadii iyo walaashii oo ku noolaa Asmara uu dib ula midoobay 20 sanno kaddib, waxa uu sheegay in hooyadii markii ay is arkeen ay la noqotay arrin riyo camal ah markii la furay xuduudda labada waddan.

Waxaa jiray dabbaaldag iyo damaashaadyo ka dhacaya xadka ka hor munaasabadda furitaanka

Mid ka mid ah magaalooyinka ku yaalla xuduudaha la furay waxaa ka mid ah magaalada Zalambessa oo ku taalla waddada ugu weyn ee ganacsiga isku xira caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa iyo caasimadda Eritrea ee Asmara.

Dib u furida xudduudaha Zalambessa ayaa noqon doonta isbaddalka ku yimid xiriirka soo hagaagaya ee ka jira waddamada Itoobiya iyo Ereteriya.

Bishii July, ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa saxiixay baaq ay ku sheegeen in dagaalkii u dhaxeeyay labada dal uu dhamaaday.

Tan iyo markaas, telefoonnada iyo duulimaadyada u dhexeeya labada waddan ayaa dib u billaabay, iyo toddobaadkii horre, markab ganacsi oo laga lee yahay Itoobiya uu ku soo xirtay dekedda Cassab ee waddanka Eritrea.

Labada waddan ayaa sidoo kale dib u furay safaaradahooda magaalooyinka Addis Abaab iyo Asmara.

Halkan ka daawo sawirrada

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s