Carabta Wararka

Ciidanka Mareykanka oo hub ku qabtay Gacanka cadmeed

Ciidanka badda ee Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay boqollaal hub fudud ah oo ay ku jiraan qoryaha AK-47, kuwaasoo saarnaa doon aan wax calan ah sidan oo maraysan gacanka Cadmeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka.

Saraakiisha oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa sheegay in arrintaas ay dhacday qiyaastii laba todobaaad ka hor.

Waxay sheegeen in ciidan la socday markabka USS Jason Dunham ay fuuleen doonta. Doontaas ayaa ahayd nooca yaryar ee saxiimadaha ah.

Ciidanka badda ee Maraykanka oo tirinaya hubka ay qabteen

Sarkaal ka tirsan waaxda difaaca ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo halka hubkaas loo waday, wuxuuse sheegay inay baarayaan.

Gacanka cadmeed ayaa ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan ee Yurub, Aasiya, iyo bariga dhexe ku xira Yemen oo dhanka waqooyi ah iyo Soomaaliya oo dhanka koofureed ah, iyo badda Arabian oo dhanka bari ah.

Sarkaalkaas ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka wuxuu kaloo sheegay in ciidanka badda ee Maraykanka iyo maraakiibta dalalka xulafadooda ah ay hore u qaadeen hawlgallo noocaas ah, ayagoo qabtay doomo siday daroogo oo nawaaxigaas marayey.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s