Soomaalida Wararka

Waa kuma Danjiraha Cusub ee loo magacaabay Soomaaliya? 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guturres ayaa Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo danjirihiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya.

Mr Haysom ayaa baddalay danjirihii horre Michael Keating oo muddo xilleedkiisa Soomaaliya uu dhammaaday.

Keating oo xafiiska UNSOM la wareegay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii.

Danjire Nicholas Haysom waa 66 sano jir waa caddaan Koonfur Afrikan ah, waxa uu horrey u soo noqday wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsanaa waddamada Suudaan iyo Koofurta Suudaan, sidoo kale diblomaasigan ayaa horrey u soo noqday wakiilka Qaramada Midoobay ee waddanka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa inuu ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyadda, dowlad wanaagga, dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo arrimo kale.

Si kastaba, dadka yaqaanna diblomaasigan u dhashay waddanka Koonfur Afrika waxa ay lee yihiin waxa uu ku fashilmay xasillinta colaadda ka jira dalka Suudaanta Koonfureed oo weli dagaallo sokeeye ay ka socdaan.

Mr Haysom, ayaa dhashay sannadkii 1952, waa aabbe leh shan carruur ah.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maamul gobolleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya uu khilaaf u dhexyaalo.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s