Soomaalida

DDS: Shuruudo lagu soo rogay dadka qabanaya xilalka gobolada

Qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa laga dareemayaa in gaabis uu ku yimid hawlihii Dowladda Deegaanka kaddib isbadalkii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Laga billaabo 26-kii bishii hore, waxaa meesha ka baxay inta badan maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dib markii ciidammada federaalka ay maamulka soo farageliyeen.

Balse waxaa soo baxaya warar ah in shaqaalihii dowladda xitaa aysan helin mushaaraadkooga, iyadoo meelaha qaar bangiyadu xitaa aysan shaqeynayn.

Dhanka kale waxaa soo baxaya shuruudo cusub oo lagu xirayo cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudaha cusub ee la soo rogay

Xasan Maxamed Xuseen oo ah madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xisbiga haya talada Deegaanka ay shuruudo ku soo rogeen cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudahani ayaa waxaa ka mid ah

1: in qofka uu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda.

2: in uu qofka leeyahay waayo aragnimo iyo khibrad shaqo.

3: in uu yahay qof bulshada sumcad ku dhex leh.

4: in uu yahay qof aan lagu soo eedeeyn musuqmaasuq.

Waxyaabaha kale ee la isku xirayo waxaa ka mid “in uusan ka soo qayb qaadaanin hagardaamooyiinkii bulshada lagu soo hayay,” sida uu BBC u sheegay madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s