Geeska Africa

Sawirro: Itoobiya iyo Ereteriya oo maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Jeddah 

Dalalka Ereteriya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Jeddah, halkaasi oo loogu qabtay munaasabad uu goobjoog ka ahaayeen boqor Salman Bin Cabdulcaziiz iyo wiilkiisa ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman.

Waxa sidoo kale munaasabadda joogay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al-Nahyan, kuwaasi oo dhammaantood daawanayey ayada ay heshiiska qalinka ku duugeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eretariya Isiais Afwerki.

Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga Abdulaziz bin Saud bin Nayef, wasiirka arrimaha dibedda Adel Al-Jubair iyo wakiilka boqortooyada Sacuudiga ee Qaramada Midoobay Abdullah Al-Maalami, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay xafladda

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu soo geba gebeeyey colaaddii 20-ka sano u dhaxeysay Itoobiya iyo Ereteriya, ayada oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay lahaayeen fikraddii ka dambeysay in labadan dal la isku soo dhoweeyo.

Kadib saxiixa heshiiska, ayaa waxaa labada hogaamiye la guddoonsiiyey biladda boqortooyada Sacuudiga ee lagu magacaabo Order of King Abdulaziz.

AwKutub News 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s