Caalamka

Duufaanta Mangkhut oo macdan qodayaal iyo qoysaskooda xabaashay

Duufaantu waxay horraantii todobaadkan garaacday jasiiradda ugu weyn waddanka Filibiin ee Luzon.

In ka badan 60 qof ayaa ku dhintay, intooda bandanna waxaa dilay dhul go’ ka dhashay roobab xoog leh oo u badnaa gobolka Benguet.

Ugu yaraan 32 qof ayaa magaalada macdanta laga qodo ee Itogun, ee gobolka Benguet waxaa la sheegay in meel ay ku hoyanayeen ay la go’day.

Kooxuhu waxay gacmahooda ku qodayaan burburka, ayagoo dhagxan iyo alwaaxyo ka soo saaraya joog dhan ilaa 50 cagood.

Duufaanta mangkhut ayaa iminka sii tabar dhigaysa ayadoo garaacaysa koofurta Shiinaha.

Afar qof ayey ku dishay gobolka Guangdong, ayadoo seddex ka mid ah ay geedo ku soo dheceen.

Waxaa kaloo walaac laga qabaa saamaynta dhaqaale ee duufaanta ay sababtay.

Galabnbimadii Axadda ayey gaartay xeebaha koofureed ee Shiinaha, meel u dhow Jiangmen.

Iminka way sii tabar yaraaneysaa, ayadoo ku sii socota koofurta Shiinaha.

In ka badan 2.5 malyan oo qof ayaa laga daad gureeyey jasaa’irka Guangdong iyo Hainan.

Hongkong oo horraantii todobaadkan ay si xun ugu dhufatay ayaa laga arkay dhismeyaal ay dabayshu ruxayso, tiirarkii dhismayaasha oo dhulka galay, iyo daaqadaha dhismayaasha ganacsiga oo burburay.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasaya tirada dadka ku dhaawacmay ilaa 200.

Inkastoo aysan si toos ah ugu dhicin, haddana dabaylaha ayaa gaaray xawaare lagu qiyaasay 110 mayl saacdiiba, biyahana waxay gaareen 3.5 mitir meelaha qaar.

Maamulayaasha ayaa soo saaray digniin aad u xooggan, waxayna dadka uga digeen in aysan guryaha ka soo bixin, ayna ka fogaadaan daaqadaha.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s