Carabta

Carruurta Yemen oo wajahaya macaluul

Hay’adda samafalka ee Save The Children ayaa sheegaysa in hal milyan oo ka mid ah carruurta dalka Yaman ay halis ugu jiraan macaluul, xilli qoysas badan oo reer Yaman ah ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahayeen cunnooyinka daruuriga ahi iyo sidoo kale sidii ay carruurtooda xanuunsan ku gaarsiin lahaayeen xarumaha caafimaadka.

Tiradani ayaa ka dhigeysa carruurta reer Yaman ee halista ugu jirta macaluusha 5.2 milyan oo canug.

Hay’addani Save The Children ayaa sheegeysa in boqolaal kun oo carruur ah ay haatan wajahayaan halis, xilli colaad hor leh ay ka soo cusboonaatay magaalada Xudeyda.

Qaramada Midoobey horey uga digtay in dalkaasi Yaman ay ka dhacdo gaajadii ugu xumeyd taariikhda, waa haddii bey tiri aan la helin keyd cunto, shidaal iyo sidoo kale gargaarka kale ee bani’aadanimo.

Coladda Xudeyda ayaa halis gelinaysa dekadda kaliya ee badeecadaha iyo gargaarka ay uga soo degaan 80% dadka dalka Yaman, taa oo qarka u saaran in ay xirmato haddii colaadda ay halkaasi ka sii socota, arrintaa soo sidoo kale halis gelineysa in sicirka cunnada iyo shidaalka uu cirka isku sii shareero.

Qiima dhaca ku yimid lacagta dalkaasi Yaman iyo burburka dhaqaale ee dalkaasi uu wajahayo ayaa qoysas badan halis u gelinaya gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda the Save The Children.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s