Soomaalida

Soomaaliya oo ansixisay ka mid noqoshada Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda naafada

Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qayb ka noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s