Soomaalida

3 dil oo maanta ka dhacay Muqdisho

​Dilkii ugu horeeyey ee Maanta ayaa saakay waxaa uu ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, waxana loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Rag hubeysan oo watay Gaari ayaa la sheegay inay Isgoyska Suuqa Beerta ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo lagu Magacaabi jiray Mahad Gudhuu ay kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dilka labaad ayaa Maanta barqadii waxa uu ka dhex dhacay Gudaha Jaamacadda Soomaaliya (Uniso) Xarunta Baar Ubax waxana loo geystay Gabar ka mid aheyd Ardayda Jaamacadda.

Rag hubeysan ayaa Jaamacadda Gudaha u galay, iyaga oo fasalka dhexdeeda ku toogtay Aamino Xuseen Xasan kadibna ay baxsadeen.

Dilka Saddexaad ayaa Goordhow ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Darta seybiyaano.

Dilka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo watay Dabaabaadka ama Gawaarida ciidamada ay rasaas ku fureen Gaari uu watay Dayax Iimaan Xasan oo ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar.

Dilalka ay geysanayaan dadka ku hubeysan Bustooladaha ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s