Soomaalida

Dadkii iska jajabiyey Darmuusyada shaaha oo safaf u galay goobaha maacuunta lagu iibiyo

Shaley iyo maanta, gobalka waqooyi-bari Kenya, waxaa aad u qabsaday sheeko ah dadka oo billaabay in ay jajabiyaan Darmuusyada shaaha lagu shubto, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyey in waxlo Kaniini u eg oo ku dhexjira dhalooyinka gudaha iyo dibadda ee kuleeliya shaaxa ay sababaan cudurka kansarka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka Gaarisa oo baaritaanno ku sameeyay arrintan ayaa beeniyey wararka sheegaya in darmuusyada shaaha ay ku jiraan kaniini.

Idaacdaha maxalliga iyo baraha bulshada ayaa baahinayey warar ku saabsan in saddex kaniini lagu dhex arkay gudaha darmuuska kuwaasoo keena cudurka kansarka.

Qoysas badan ayaa billaabay in ay burburiyaan darmuusyadooda markii warkan uu soo baxay, balse markii warka uu been noqday dib u soo iibsaday darmuusyada shaaha.

“Saddex darmuus ayaa iska jajabiyey markii la ii sheegay in lagu arkay darmuusyada saddex kaniini, waan shakinay wax xaqiiqo ah ma heyno”ayey tiri Deeqa Ibraahim Badal oo ku nool xerada Dhadhaab.

Laga billaabo Garissa, Mombasa, Nairobi, Dhadhaab, Wajeer iyo meelo kale oo ku yaalla Kenya ayaa la sheegay in dadka Soomaaliyeed ay joojiyeen isticmaalka darmuusyada.

Haddaba, reero badan oo markii horre iska jajabiyey darmuusyada shaaha ayaa hadda billaabay in ay sabab u galaan goobaha maacuunta lagu iibiyo si ay darmuusyo u soo iibsadaan maadama wararkii la sheegay ee ahaa in darmuusyada laga helay wax yaabo halis ku ah caafimaadka ay been noqdeen.

Ganacsatada Garissa gaar ahaan suuqa ugu weyn ee Suuq Mugdi ayaa ka macaashay darmuusyada la jajabiyey.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s