Soomaalida

Soomaaliland oo Shuruudo ku xirtay Wadahadal ay la gasho Dawlada Federaalka Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal maalin kahor uu sheegay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo ahaa in Dowladda Soomaaliya dib u bilaabi doonto wada xaajoodkii kala dhexeeyey Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa shir jaraa’id oo magaalada Hargeysa uu ku qabtay ka sheegay inay soo dhoweynayaan in lasii ambaqaado dadaalladii nabadda, balse ay jiraan shuruudo badan oo taas ka horreeya.

Sacad ayaa xusay in Dowladda Dhexe iyo Somaliland xilligan yeelan karin wadaxaajood labadooda oo qura dhex mara, maadaama Dowladda Federaalku u aqoonsanayn Somaliland inay tahay dal madax bannaan.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa imaanaya maalin kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed sheegay in Dowladda Dhexe iyo Maamulka Somaliland si toos ah uga arrinsan doonaan xal u helista khilaafaadka jira iyo waxyaabaha ay labada dhinac kala tabanayaan.

Wada hadallada Dowladda Dhexe iyo Maamulka Somaliland ayaa soo bilowday sannadkii 2012, iyadoo horay labada dhinac shirar ugu soo yeesheen dalalka Ingiriiska iyo Turkiga.

Bishii March ee lasoo dhaafay, waxaa baaqday kulan qorshuhu ahaa inay isugu yimaadaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajio iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s