Soomaalida

Baarlamaanka Soomaaliya oo laga dalbaday in uu sharci adag kasoo saaro jinsi-faquuqa iyo hayb-sooca

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankii Golaha ee maanta kasoo jeediyey warbixin ku saabsan dhacdadii faquuqa ku salaysnayd ee dhowr maalmood kahor uu ku geeriyooday muwaadin Muqdisho degenaa oo lagu magacaabi jiray Axmad Mukhtaar Dawlo, kaas oo baangad lagu dilay kadibna maydkiisa dab la qabadsiiyey.

Guddiga Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid aan diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida midkoodna sal iyo raad ku lahayn, waxayna ka dalbadeen Golaha in sida ugu dhaqsaha badan sharciga loo soo taago dadkii falkaas ka dambeeyey, ciqaab adagna la marsiiyo.

Dhinaca kale, qaar kamid ah xildhibaannada Baarlammaanka ayaa arrintan si adag uga hadlay, Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa ayaa ku baaqay in Golaha Shacabku sharci adag kasoo saaro jinsi-faquuqa iyo hayb-sooca.

Dalxa wuxuu sidoo kale baaq u diray madaxda Hay’adda Dambi Baarista Qaranka, isagoo ka codsaday in si daacadnimo ah oon eexi ku jirin kiiskaas loo baaro, si dambiileyaashu u wajahaan ciqaabta ay mudan yihiin.

Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlammaanka 10aad ee Soomaaliya oo ku jira kal-fadhigoodii afraad, waxay kulankoodii maanta intiisii badnayd ku gorfeeyeen wax ka beddel la rabo in lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s