Caalamka

Dalka Canada oo jinsiyadda kala laabtay Hogaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi

Baarlammaanka dalka Canada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey in dhalashada lagala laabto hogaamiyaha dalka Myanmar, Aung San Suu Kyi.

Labada aqal ee Baarlammaanka Canada ayaa shalay oo Khamiis ahayd isku raacay in Suu Kyi u qalmin haysashada jinsiyad-sharafeed la siiyey sannadkii 2007, maadaama ay ku guul darraysatay wax ka qabasahda xasuuqa lagu hayo bulshada Rohingya-ha.

Hoggaamiyaha Myanmar ayaa qayb ka ahayd lix qof oo Dowladda Canada horay ugu sharaftay jinsiyadda Canada.

Suu Kyi oo sannadkii 1991 ku guulaysatay abaal marinta caalamiga ah ee nabadda, waxay wajahaysaa cadaadis xooggan iyo eedaymo caalami ah, maadaama ay difaacday xasuuqa ciidamada dalkaasi kula kaceen bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya-ha.

Dadkaas oo badankoodu Muslimiin ah ayaa ku nool gobolka xeebta ku dherersan ee Rakhine oo dhaca waqooyiga Myanmar. Tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 1.1 milyan oo qof, waxayna ku dhex nool yihiin bulsho aqlabiyaddoodu haystaan diinta Buddhism-ka.

Rohingya looma aqoonsana in ay yihiin muwaadiniin dalkaas u dhashay mana lahan wax xuquuq ah laga soo bilaabo sannadkii 1982.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s