Soomaalida

Xog ku saabsan iskuullada dowladdu lasoo wareegtay

Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shalay la wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee dib loogu soo nooleynayo waxbarahsada dadweynaha.

Munaasabadda daahfurka barnaamijkan oo Madaxweyne Farmaajo kasoo qayb galay, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay manhajka midaysan ee waxbarashada iyo xarumo lagu tababaro macallimiinta oo laga hirgelin doono magaalo madaxdyada dowlad goboleedyada.

Halkan waxan idinkula wadaagi doonnaa xog kooban oo ku saabsan 24ka iskuul ee doladdu lasoo wareegtay.

Yaa ka faa’iideysan doona mashruucan?

  • Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona 4,813 oo ka kooban 401 fasal, kuwaas oo lacag la’aan wax ku baran doona.
  • Waxaa sidoo kale mashruucan ka faa’iideysan doona 58 maamule, 713 macallim oo mushaharaadkooda toos dowladdu u bixin doonto.

24ka iskuul maxay kaga duwanaan doonaan iskuullada kale?

Ardayda wax ka barata iskuullada dowladdu lasoo wareegtay waxay nasiib u yeelan doonaan in ay helaan:

  • Manhaj mideysan.
  • Imtixaan mideysan.
  • Shahaado mideysan.
  • Sannad-dugsiyeed mideysan.
  • Saacado mideysan.
  • Waxbarasho tayo leh.

    Magacyada Iskuullada

    1. Kaaraan.
    2. Godey.
    3. Cabdi casiis.
    4. Gaashaanle.
    5. 11ka janaayo.
    6. Bartamaha.
    7. Wiil waal.
    8. Bartanaha.
    9. Yaasiin cismaan.
    10. Agoonta Boondheere.
    11. Maxamuud mire.
    12. Hanti wadaag.
    13. Howlawadaag.
    14. Xasan khaliidi.
    15. Cali xuseen.
    16. Jabuuti.
    17. Deyniile.
    18. Maxamuud Hilowle.
    19. Axmed waayeel.
    20. Ex Aqoon Darseed.
    21. 21 November.
    22. 20 December.
    23. Agoonta Wiilasha Kaaran.
    24. iyo Macalin jaamac.

      AwKutub News

      Advertisements

      Leave a Reply

      Fill in your details below or click an icon to log in:

      WordPress.com Logo

      You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

      Google photo

      You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

      Twitter picture

      You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

      Facebook photo

      You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

      Connecting to %s