Caalamka

Wararkii ugu danbeeyay ee dhul-gariirkii ku dhuftay Induniisiyaa

34 arday ayaa meeydkooda laga helay Kaniisad ay dhoobo duugtay kadib dhul gariirikii ku dhuftay Palu.

Ugu yaraan 844 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen musiibada, balse waxa ay u badantahay in ay sii kororto tiradaasi.

Waxaa jira xabsi laga qabo in ay jiraan dad badbaaday oo ku hoos jira dhismooyinka burburay hoostoda.

Meeydadkan ardaya ayaa laga helay degmeda Sigi oo ku taala banaanka Palu, oo uu ku dhufatay dhul gariir baaxadiisu gaaraya 7.5 maalintii jimacaha ahayd.

Shaqaalaha hay’adaha deeq bixiyaasha ayaa BBC-da u sheegay in ay weli ku jiraan soo saaridda meydadka ku hoos jira dhismooyinka burburay.

Dhoobada ayaa aad ugu badan goobahaasi, waxayna ugu yaraan qaadanaysaa ilaa iyo hal saac iyo badh in la gaaro goobaha, taasi ayaana xaaladda sii cakirayso.

Ridwan Sobri oo ah afhayeenka hay’adda Laanqeerta Cas ee dalka Indonesia ayaa isna BBC-da u sheegay in aan weli la shaacin haybta iyo da’ada ardayda ku dhimatay dhul-gariirka.

Sida lag soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, 86 arday ayaa la soo sheegay in markii hore ay dhinteen, lamana xaqiin karo in dhmaan ardaydaasi la helay meydkooda ay ka soo jeedaan hal meel.

Waddooyinka oo xiran, eelaboorka oo waxyeeloobay iyo khadka telefoonada oo go’an ayaa xaaladda sii adkeeyay oo waxaa adkaatay in caawin la gaarsiiyo goobaha ay masiibadu ku habsatay.

Cisbitaalada ayaa iyagana waxyeelo soo gaartay, waxaa ayna arrintaasi khasabtay in banaanada lagu daweeyo dadka uu dhaawaca soo gaaray.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Jusuf Kalla ayaa sheegay in dhimashada ay haatan gaartay kumanaan qof, halka hay’adda laanqeerta casna ay qiyaaseeyso in ay musiibada saameeysay ilaa 1.6 milyan oo qof.

Source : BBC NEWS Somali

AwKutub News 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s