Soomaalida

Dhagayso : Muqtaar Roobow oo ololihiisa doorashada Maanta bilaabay

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo weli ku guda jira ololihiisa doorashada ayaa Maanta munaasabad uu ku soo bandhigay waxaa uu ku qabtay mid ka mid ah hotelada ku yaalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Baydhabo.

Muqtaar Roobow oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan uu Shacabka u furi doonaan wadooyinka ay Shabaab iyo qabaa’ilada ay xirteen.

Al-Shabaab ayuu sheegay inay xirteen wadooyin badan,isla markaana ay mar walba caadeysteen dhibaateynta Shacabka,sidoo kale ay jiraan qabaa’ilo iyana si lamid ah wadooyinka u xirtay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad wata dharka ciidankada oo Shacabka dhibaateynayo,kuwaasna uu ka dul qaadi doono.

Hadalka Muqtaar Roobow ayaa ku soo aadaya xilli Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in uusan u tartami karin Madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Halkan ka dageyso:

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s