Soomaalida

Sawirro : Kulliyadda TurkSom ee Muqdisho oo tababar loogu soo xiray 47 Sarkaal

Kulliyadda Tababarka Ciidamada TurkSom ee magaalada Muqdisho, waxaa maanta tababar muddo hal sano ah soo socdey loogu soo gaba gabeeyey 47 sarkaal-xigeen oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Munaasabad tababarkan lagu soo xirayey islamarkaana lagu dhaarinayey saraakiisha cusub, waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Gaashaan-dhigga Xasan Cali Maxamad iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida S. Gaas Daahir Aadan (Cilmi Indhaqarshe).

47da sarkaal-xigeen ee tababarku usoo idlaaday ayaa isugu jira 37 ka tirsan Ciidamada Dhulka, 5 ka tirsan Ciidamada Badda iyo 5 kale oo kamid ah Ciidamada Cirka.

Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay dalkooda si daacad ah ugu shaqeeyaan, isagoo xusay in dowladdu sii joogteyn doonto tayeynta iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Xeradan oo markii ugu horreysey la hawlgeliyey 27dii August 2017, waxaa dhowaan tababar cusub oo muddo hal sano ah socon doona looga bilaabayaa 185 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Waa markii labaad ee ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya tababar loogu soo xiro Xerada Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s