Soomaalida

Sawirro : Wasiir Cawad oo Waraaqaha Aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka France

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Dowladda Faransiiska u joogi doonta dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Marwo Aline Kuster-Menager.

Wasiir Cawad ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, una sheegay in Dowladda Soomaaliya gacmo furan kusoo dhowaynayso tallaabo kasta oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi iyo midka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee France iyo Somalia.

Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dhinaca kale sheegay in Dowladda Soomaaliya wadashaqeyn fiicani kala dhexeysey safiirkii hore ee Faransiiska Antoine Sivan, safiirka cusubna sidaas si lamid ah uu rajeynayo in ay u wada shaqayn doonaan.

Danjire Aline ayaa dhankeeda ka mahadcelisay sida quruxda badan ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu u qaabilay ugana guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimada.

Aline Kuster-Menager oo ah safiirka Faransiiska u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxay sidan oo kale bishii hore ee September waraaqaheeda aqoonsiga ugu gudbisey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s