Soomaalida

Cabdi Maxamuud Cumar oo Markale Maxkamad lasoo taagay

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maanta markale waxa ay Maxkamadeyntiisa ka bilaabatay Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Fadhiga maxkamaddu ku dhegeysanayso eedaymaha Cabdi Maxamuud ayaa ah kii saddexaad, August 29, 2018 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Cabdi maxkamadda lasoo taago, iyadoo xilligaas qaaddiga maxkamaddu uu amar ku bixiyey in muddo labo asbuuc ah dacwaddiisa dib loo dhigo, si xeer ilaalintu u hesho waqti ku filan oo ay kusoo dhammaystirto dacwadaha ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida.

September 14, 2018 ayaa mar labaad Cabdi lasoo taagay maxkamadda, waxaana qaaddigu mar labaad iclaamiyey in muddo saddex todobaad ah dib loo dhigay dhegeysiga dacwaddiisa.

Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu eedeeyey falal ay ka mid yihiin dil, dhac, hanti lunsasho, asaasida ururo dhib geystay iyo baalmarida Dastuurka Itoobiya ayaa kasoo muuqday Maxkamadda 19aad ee Federaalka Itoobiya, saldhigeeduna yahay magaaladda Addis Ababa.

Lama oga xilliga Maxkamada ay kiiskiisa go’aan rasmiha ah ka soo saareysa balse dhawaan ayaa waxa uu cod su diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaas oo ah in uu cafiyo.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s