Caalamka

Xaguu ku danbeeya Madaxii Booliska Caalamiga ah ee Interpol, ee la waayay

Meng Hongwei, oo ah madaxa hay’adda booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa la la’yahay ku dhawaad labo toddobaad.

Mr Meng ayaa lasoo xidhiidhay qoyskiisa 25-kii bishii hore ee September kadib markii uu ka amba baxay magaalada dalka Faransiiska kutaal ee Lyon oo xarun u ah Interpol. Xaskiisa Grace Meng ayaa bulshada caalamka ka codsatay in ay gacan ka siiyaan sidii ay saygeeda u heli lahayd.

Saraakiisha Shiinaha ayaa xaqiijiyay wax dad badan ay aaminsanaayeen, taas oo ah in Meng Hongwei xabsiga loo taxaabay markii diyaaradii sidday ay caga-dhigatay dalkaasi, waxaana ku socda baaritaan ku saabsan xeerarka uu jebiyay oo aan la shaacinin.

Wararka sheegaya in la qabtay ayaa waxaa baahiyay guddiga qaran ee la dagaalanka musuq maasuqa ee xukuumadda Beijing, kaasoo tilmaamay in Meng lagu qabtay howlgal ballaraan oo musuq maasuqa ka dhan ah oo uu amray madaxweyne Xi Jinping, kaasoo horseeday in toddobaadyo ama bilo dhowr ah la waayo masuuliyiin sar sare.

Dhanka kale, xarunta Interpol ee ku taal magaalada Lyon ayaa shaacisay in Meng uu iska casilay xilkii uu u hayay hay’adaasi, dhawaanna la dooran doono ciddii bedeli lahayd. Balse Interpol ma aanay sheegin qaabka uu isu casilay.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s