Dadka oo dhan waxay ku dedaalaan inay kasbadaan kalsoonida Naftooda, si ay ugu guuleystaan xaqiijinta himiladooda iyo riyooyinkooda.
Kalsoonida Naftu waa Aasaaska iyo bilowga wadada saxda ah.
Hadaba sidee ayaad ku siyaadin kartaa kalsoonida Naftaada?
Qodobadan raac:-
1. Sameyso saaxiib wanaagsan
Arrimaha ugu waaweyn ee qofka ka caawiya inuu kordhiyo kalsoonida naftiisa waxaa ka mid ah isagoo sameysta saaxiibo wanaagsan.
Saaxiibada wanaagsani waxay kaa caawinayaan inaad ku guulaysato xaqiijinta himiladaada, waqtiga adagna way ku garab taagan yihiin.
2. Naftaada dhiirigeli
Odhaahaha aad naftaada ku tidhaahdid waxay saameeyaan kalsoonida naftaada, hoosna u dhigi karaan.
Tusaale ahaan haddaad ku fashilanto oo aad ku guuldareysato hawl ama aad imtixaan hooseyso ama mansab aad gaadhi waydo, waxaa laga yaabaa inaad naftaada kula hadasho ereyo niyad jab ah. sida “waan guuldareystey”, “mar dambe iskuma dayi doono“, “derejadaa ma gaadhi karo” iyo qaar la mid ah.
3. Ilaali Muuqaalkaaga
Muuqaalkaaga wuxuu si wayn u saameeyaa kalsoonida naftaada, waayo horaa loo yighi “hu’gaaga kula marti taga Marka“, waxaa kula gudboon inaad mar walba ku lebisato dhar xarago badan, ilaalisana nadaafada jidhkaaga iyo dharkaba.
markasta oo aad hagaajiso muuqaalkaaga waa mar kaste oo ay korodho kalsoonida naftaada. dadka markaad ku dhexjirtana waxaad dareemaysaa kalsooni, taas oo sababaysa inaad naftaada kalsooni badan ka dareento.
4. Kor uqaad Alla ka cabsiga
Markasta oo aad ilaahay ka baqato waa markaste oo aad dareento kalsooni aad ilaahay ka qabto, taas oo ay ka dhalanayso inaad naftaada kalsooni ku abuurto.
AwKutub News