Soomaalida

Duufaan ku soo wajahan Soomaaliya

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhufato waddanka Cummaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen, oo aysan ku xigsiin Soomaaliya Axadda.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysa in heerka duufaantan uu yahay heerka 1aad.

Marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado.

Laakin roobabka xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Carabta xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Cadmeed.

Bishii Maayo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s