Caalamka

Pakistan oo isaga baxday hawlgalka la dagaalanka burcad badeedka

Dowladda Pakistan ayaa la baxday ciidamadeedii qaybta ka ahaa hawlgalka Quwadaha Isku Dhafan (CTF) ee la dagaalanka burcad-badeedka caalamiga ah.

Saraakiil ka tirsan milateriga Pakistan oo codsaday in aan magacyadooda la baahin, ayaa warbaahinta Al jazeera u sheegay in go’aanka dowladda Pakistan uu yimid kaddib markii la joojiyey shidaalkii la siin jiray ciidamada Pakistan ee qaybta ka ah hawlgalka CTF.

Ciidamada Badda Pakistan ayaa muddo sannado ah hawlgallo roondo u badan ka samaynayey qaybaha waqooyi ee Badweynta Hindiya.

Dhowaan ayey ahayd markii Dowladda Maraykanku shaacisay in ay joojisey lacag dhan $300 milyan oo ay si joogto ah ugu kaabi jirtay milateriga Pakistan.

Maraykanka ayaa go’aankaas u sababeeyey in ciidamada Pakistan ku guul darraysteen la dagaalanka argagixisada, sidaas darteedna aysan mudnayn in taageere dhaqaale la siiyo.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s