Soomaalida

NISA oo qabatay shabakad ka shaqaysa lacag dhaqista iyo Xildhibaan ku lug leh

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay koox la sheegay in ay ka shaqeynayeen samaynta iyo gudbinta lacago doollar ah oo been abuur ah.

Warbixin kooban oo lasoo dhigay bogga ay Twitter-ka ku leedahay NISA, waxaa lagu sheegay in la qabtay labo xubnood oo kooxdaas kamid ah qaar kalena lagu daba jiro.

Warbixinta NISA waxaa sidoo kale lagu sheegay in shaqada kooxdan uu ku lug yeeshay xildhibaan ka tisran Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo aan magaciisa la shaacin, waxaa qoraalka ku xusan in uu kooxdaas u fududeeyey hawlo ay kamid tahay sidii lacagtaas looga soo gudbin lahaa garoonka Aadan Cadde.

Ugu dambayn, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ayaa sheegtay in kiiska dacwada kooxdaas loo gudbiyey hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si ay go’aan uga gaaraan.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s