Geeska Africa

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga oo booqasho ku yimid Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Garoonka caalamiga ee Bole ee magaalada Addisa Ababa ayaa waxaa wafdiga ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo xubno ka tirsan dowladda.

Agaasimaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Fitsum Arega ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in ra’iisul wasaaraha Talyaaniga uu muddo labo maalin ah booqasho ku joogi doono magaalada Addis Ababa

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa maanta garoonka caalamiga ee Bole ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe, oo muddo labo maalin ah booqasho ku joogi doono dalka” ayuu yiri Fitsum Arega.

Fitsum Arega ayaa tilmaamay in labada dal ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer.

Labada ra’iisul wasaare ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshan magaalada Addis Ababa iyaggoo ka wada hadli doono xiriirka dhexeeya labada dal iyo arrimo kale.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s