Soomaalida

Sawirro : Ballaarinta Dekadda Berbera oo si rasmi ah loo billaabay

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah heshiis rasmi ah ku kala saxiixday maamulka Somaliland iyo madaxda shirkadda DP World ee laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo maamuleysa dekadda magaalada Berbera.

Shirkadda DP World ayaa waxa ay ballaarin doontaan dekedda iyadoo ku dari doonta 400 oo mitir sida horray ugu heshiiyeen Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka laga lee yahay labo sanno ka hor.

Suldaan Axmed Bin Suleymaan, oo ah guddoomiyaha guud ee shirkadda DP World ayaa xafladda ka dhacday magaalada Hargeysa, ku sheegay in ballaarinta dekadda ay la wareegtay shirkad la yiraahdo Al-Nahda taasoo dhisi doontan dekedda Berbera oo la ballaarin doono.

Waxa uu sheegay maanta in waqtiga la billaabayo dhismaha ay tahay balse ma sheegin maalin rasmi ah oo howsha dhismaha dekedda Berbera la billaabayo.

Somaliland waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, halka shirkadda DP World uu u saxiixay Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo ah guddoomiyaha shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladda ayaa sheegay Somaliland in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca dekeddaha ee ka socda geeska Afrika.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s