Soomaalida Wararka

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qatar oo booqasho ku yimid Muqdisho

Wafdi ka socda dowladda Qadar ayaa maanta kasoo degay garoonka Diyaaraddaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo socdaalkoodu ahaa mid aan la shaacin.

Waxaa Garoonka ku soo dhoweeyay wafdiga xubno ka mid ah dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo la sheegay in isla markiiba loo galbiyey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in wafdiggaan ka socda Wasaaradda Difaaca Qatar ay la kulmi doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir aad udhow.

Wafdiga ayaa la sheegay inay yihiin kuwo farsamo oo isugu jira Saraakiil iyo Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Qatar oo qiimeyn ku sameynaya baahida ciidamada Soomaaliya iyo wasaarada Gaashaandhigga.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s