Soomaalida Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo tagay Magaalada Marka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa magaalada Marka kulan kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee magaala madaxda gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku haya magaalada Marka.

Guutada 14-ka Oktoobar ayaa ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe waxa ayna tababar kadib ku biireen ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka wadeen qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tago magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s