Caalamka Wararka

Jamal Khaashoqji oo maydkiisa laga raadinayo kaymaha

Sida ay wararku sheegayaan booliiska Turkiga ayaa ballaariyey baadhitaanka ay ku hayaan kiiska Saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la sheegay in la dilay Jamal Khashoggi.

Saraakiil Turki ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in laga yaabo in maydkiisii lagu aasay kayn ama dhul beereed aaggaas ka dhawayd.

Mr Khashoggi ayaa la waayey kadib markii 2-dii bishan October uu galay qunsuliyadda uu Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul, halkaas oo saraakiisha Turkigu ay sheegayaan in lagu dilay.

Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaysa in aanay waxba ka ogayn wax ku dhacay weriyahaas.

Waxaa socda baadhitaan lagu samaynayo waxyaabo loo malaynayo in ay caddaymo noqon karaan oo laga soo qaaday todobaadkaan qunsuliyadda Sucuudiga iyo hooyga madaxa qunsuliyadda, lagana baari doonaa hidda sidaha Mr Khashoggi.

Khamiistii, ayaa sarkaal sare oo Turki ah waxa ay sheegay in Xoghaya Arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu dhagaystay cod ku aaddan dilka la sheegay in loo gaystay saxafigaas, balse arrintaas ayuu goor dambe beeniyey.

Turkiga ayaa horay u sheegay in uu hayo cod iyo muqaal caddayn u ah dilka Mr Khashoggi, balse caddaymahaas wali dadweynaha looma soo bandhigin.

Dhacdadaan ayaa sababtay in xukuumadda Riyadh uu culays badani kasoo fuulo dhanka reer galbeedka ay xulufada yihiin, wasiirka maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin iyo Xoghaya ganacsiga caalamiga ah ee Britain Liam Fox ayaa noqonaya masuuliyiintii sarsare ee ugu dambeeyey ee qaaddaca shir ballaaran oo ganacsi oo ka dhacaya Riyadh toddobaadka dambe.

Shir madaxeedka ayaa waxaa marti galin doona dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed bin Salman si uu kor ugu qaado ajendihiisa isbaddalka.

Si kastaba ha ahaatee, sharikado badan oo waaweyn ayaa wali danaynaya in ay ka qayb galaan shirka, inkastoo ay jirto qaaddacaad isa soo taraysa.

Maxaa ku dhacay Jamal Khashoggi?

Wali ma cadda. Balse Mr Khashoggi ayaa markii cid ugu war dambaysay galay qunsuliyadda Sacuudiga Istanbul 2-dii October, si uu ugasoo qaato warqado u oggolaanaya in uu guursado gabadhii u doonnayd ee Hatice Cengiz.

Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Mr Khashoggi ay qunsuliyadda ku dhex dileen koox katirsan sirdoonka Sucuudiga, oo ay maydkiisiina meesha ka saareen.

Sucuudi Carabiya ayaa beenisay eedaymahaas, waxayn ugu horrayntii ku adkaysatay in Mr Khashoggi uu safaaradda ka baxay asagoo xor ah.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s