Soomaalida Wararka

Galmudug : Garabka Cadaado Oo Madaxweyne Cusub Doortay

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay dooranayeen Xildhibaanada Garabka Magalada Cadaado.

Doorashadaas ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Axmed Maxamud Basto iyo Cabdixakin Cali Guure, waxaana ugu dambeyn Xildhibaanadu u doorteen Madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamud Basto.

Doorashadaas ayaa waxa ay qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug oo kala degan Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug oo Xildhibaanada Cadaado ku shirsan ay horay u sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaa haatan ku sugan Magalada Garoowe oo uu shir uga qeyb galayo,halka Xildhibaanada Dhuusamareeb ay iyana sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s