Soomaalida Wararka

Garoowe : Shirka Iskaashiga maamul goboleedyada oo ka furmaya

Shirka golaha Iskaashiga maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Marka laga reebo madaxweybaha Hirshabeelle dhammaan madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ayaa ka qeyb galaya shirkan, kuwaasi oo kala matalaya maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Ajendaha shirkan golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Garoowe ayaa waxaa la sheegaya in ay ka shirayaan arrimaha amaanka iyo danaha maamul goboleedyada kadib markii ay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya dabyaaqadii bishii lasoo dhaafay, waxayna ku eedeeyeen in ay ku fashilantay sugidda amniga iyo fulinta masuuliyaddii loo xilsaaray.

19 bishii lasoo dhaafay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhowaaqay in uu heshiis la galay dowladda federaalka waxuuna sheegay in khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyay dowladda federaalka ah la xaliyay.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan jidadka soo gala madaxtooyada Garoowe halkaasi oo la filayo in shirka ka furmo.

Qaban qaabada Shrika ayaa haatan waxaa ay ka socotaa Magalada Garoowe, ayadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay, waxaana shirka uu ka dhacayaa Xarunta Shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Magalada Garoowe.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s